Arbaco, 28 May 2025 {CBB}Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa maanta xarunta dowladda hoose ku soo dhaweeyay wafdi ka socday hay’adda UNESCO, oo uu hoggaaminayay Lataliyaha Dhaqanka ee Xafiiska UNESCO ee Bariga Afrika.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku aaddan dib u soo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee magaalada Muqdisho. Waxaana sidoo kale laga wada hadlay qorshayaal la xiriira dib u dhiska goobahaasi iyo sidii loo horumarin lahaa bandhiggooda fagaareyaasha caalamka.
Guddoomiye Cabdicasiis ayaa uga mahadceliyay wafdiga ka socda UNESCO doorka horumarineed ee ay doonayaan inay ka qaataan dib u soo nooleynta xarumihii taariikhiga ahaa ee caasimadda, isagoo xusay muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo dhiirrigelinta dhaxalka dhaqameed ee Muqdisho.
Intii ay joogeen magaalada, wafdiga UNESCO waxay kormeereen xarumo taariikhi ah oo ku yaalla degmooyinka Cabdicasiis, Xamarweyne, iyo Shingaani.







