Arbaco, 28 May 2025 {CBB}Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Dable Xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, kadib markii lagu helay dambiga dilka Ex-Dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibraahim Macawiisleey, oo saaxiibkiis ahaa kuna wada tirsanaayeen Ururka 222-aad, Guutada 22-aad ee Boliiska Milatari.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu xusay in dilka uu ka dhashay muran ku saabsan xabad sigaar ah, kaasoo dhacay 17-kii bishii Febraayo ee sanadkan, gudaha xerada dhista ee degmada Deyniile.
Kadib baaris dheer oo uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa kiiska la horgeeyay maxkamadda, iyadoo oggolaanshaha qaadista dacwadda la siiyay 13-kii bishan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo fursad ku filan siiyay labada dhinac ee dacwadda, ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf lagu xukumo dil toogasho ah, qisaasta Marxuumka.
Xukunka ayaa lagu dhawaaqay maanta, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.







