Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Ciyaartooy iyo wafdi la socdey oo Villa Soomaaliya lagu soo dhoweeyey.

Sawiro;-Ciyaartooy iyo wafdi la socdey oo Villa Soomaaliya lagu soo dhoweeyey.

43
0

Arbaco, 28 May 2025 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada dalka ku qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa kubadda cagta caalamka – Samuel Eto’o, oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha – kuwaas oo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay xidigaha caalamiga ah booqashadooda, isagoo xusay in ay muujinayso xasiloonida iyo dib u kabashada dalka, wuxuuna tilmaamay dadaalka ay Dowladdu ku bixineyso horumarinta ciyaaraha.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay ka tarjumeyso kalsoonida sii kordheysa ee beesha caalamka ay ku qabto Soomaaliya, iyo horumarka dalka ka socda, gaar ahaan dhanka isdhexgalka bulshada iyo dhiirrigelinta dhalinyarada.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Mudane Cali Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee South Sudan, Mudane Augustino Maduot Parek, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti, Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here