Home WARARKA MAANTA Kuraastii ay ka geeriyoodeen Wasiir iyo Xildhibaan oo maanta la dooranayo.

Kuraastii ay ka geeriyoodeen Wasiir iyo Xildhibaan oo maanta la dooranayo.

31
0

Sabti 31 May 2025{CBB} Magaalada Jowhar ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada labo kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kuraastan, oo kala ah HOP097 iyo HOP098.

Kuraastan ayaa bannaanatay kadib markii ay geeriyoodeen Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale (Sey-Sey), oo labaduba ahaa xubno ka tirsan baarlamaanka.

Musharraxiinta u tartamaya kuraastaas u tartameysa ayaa kala ah Cabdikariin Maxamed Diiriye, oo u sharaxan kursiga HOP097 iyo Cabduqaadir Maxamuud Maxamed (Sey-Sey), oo u tartamaya kursiga HOP098.

Labadan musharrax ayaa ka mid ah afar musharrax oo buuxiyay shuruudihii guddiga doorashooyinka, waxaana shahaadada musharraxnimo si rasmi ah loogu guddoonsiiyay magaalada Jowhar.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ahaan doona ergada dooraneysa, mas’uuliyiin dowladeed, iyo kormeereyaal madaxbannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here