Home WARARKA MAANTA Imtixaanka Shahaadiga ah, Fasalka 12-aad ee Dugsiga sare oo maanta la daahfuray.

Imtixaanka Shahaadiga ah, Fasalka 12-aad ee Dugsiga sare oo maanta la daahfuray.

48
0

Sabti 14 June 2025 {CBB} Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga billowday imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada waxaana u fariistay ilaa 39,397 arday, iyada oo sanadkan ay fududeeyeen

diyaaradaha ciidamada Xoogga oo imtixaanka geeyay gobollada dalka.

Imtixaanka ayaa waxaa daah-furay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda
Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo ay wehinayeen mas’uuliyiin ka
tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, iyada oo ra’iisul wasaaruhu
toos u qayb-biyay imtixaanka shahaadiga ah.Xamza Cabdi Barre ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here