Home WARARKA MAANTA Mahad Salaad oo maanta xilka la wareegaya

Mahad Salaad oo maanta xilka la wareegaya

34
0

Sabti 14 June 2025 {CBB}Waxaa lagu wadaa in Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu maanta  si rasmi ah xilka ula wareego, kaddib xil-wareejin ka dhacaysa Muqdisho.

Xilka waxa uu kala wareegayaa Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo xilkan hayay muddo kooban , tan iyo markii dib loogu magacaabay, Sanbaloolshe ayaa horey u soo noqday taliyaha NISA sanadkii 2017.

Dhanka kale, Mahad Maxamed Salaad ayaa xilkan markiisii hore loo magacaabay bisha Agoosto 2022, wuxuuna xilka hayay muddo 2 sano ah, kahor inta aan laga bedelin bartamihii 2024. Haddana, mar kale ayaa dib loogu soo celiyay xilka, taas oo muujineysa kalsoonida lagu qabo doorkiisa ku aaddan amniga qaranka.

Xil-wareejintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay dalka ka jiraan xaalado amni oo aad u xasaasi ah, waxaana laga filayaa in Taliyaha cusub uu wajaho caqabado iyo hawlo adag oo la xiriira dib-u-habeynta hay’adda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta sirdoonka gudaha iyo dibadda.

Waxaa la filayaa in madasha xil-wareejinta ay goob joog ka noqon doonaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale, iyadoo la dareemayo feejignaan amni oo sareysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here