Isniin 15 July 2024 {CBB} Macadyada Heritage iyo Irad ayaa waxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ku qabteen kulanka aragtiyo wadaaga kaa soo ku aadan fahanka dhisidda galaha degaanka dowlad goboleedka KGS.
Kalanka ayaa Waxaa laga soo qeyb galiyay mas’uulin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur galbeed soomaaliya qeybaha kala duwan ee Bulshada sida lataliyaha madaxweynaha KG dhinaca Arimaha dowladaha hoose, odiyaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka, aqoonyahno, qabiiro arrimaha degaanka, ardada jaamacadaha baydhabo iyo Marti sharaf kale.
Barnaamijka ayaa Waxaa furay Agaasimaha Macadka Irad Mr. Yasir Maxamed Axmed iyo Mr. Aweys Ali Agaasimaha Macadka Heritage
Waxayna faafahin ka bixiyeen kulankaan iyo muhiimadda laga leeyahay.
Malaaq Deerrow Yacquub afayeenka odiyaasha dhaqanka KGS ayaa soo dhaweeyay dhisidda golaha degaanka KGS asigoona sheegay sida looga baahan yahay in wax loo dhiso.
Hindiyo Isaaq guddoomiyaha Ururka haweenka degmada Baydhabo ayaa kulanka ka jeedisay in ay diyaar u yihiin dhisidda golaha degaanka KGS madaama ay qeyb ka yihiin golaha degaanka.
Guddoomiyaha martada looyahay Mudane Cabdulaahi Cali Maxamed (Watiin) ayaa sheegay in dowlad daadihinta muhiim ay u yahay Bulshada sidaasi darteen ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan barnaamijkaan looga hadlaayay dhisidda golaha degaanka KGS.
Wasiirka wasaaradda Arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib-uheshiisiinta KGS Mudane Cabdulaahi Xaaji Xasan ayaa kulankaan ku tilmaamay in uu yahay kulan lagu fahmaayo arrimaha golaha degaanka.
Intaasi kadib Waxaa jiran banal looga hadlaayay waana su’aalo lagu way dinaayay madaxda KG, aqoonyahnada Arimaha golaha degaanka iyo maamulka degmada Baydhabo.