Home WARARKA CAALAMKA Xamaas oo Kasoo Dabacday Shuruudihii ay ku xirtay xabad joojin Gaza

Xamaas oo Kasoo Dabacday Shuruudihii ay ku xirtay xabad joojin Gaza

61
0

Khamiis 11 july 2024 {CBB}Waxaa socda Dadaaladii ugu dambeeyay diblomaasiyadeed ee heshiiska xabad joojinta loogu raadinayo Gaza iyadoo madaxda sirdoonka Israel iyo Mareykanka ku tagayaan Dooxa si ay ula kaulmaan madaxda sare ee Qatar iyo Masar.

Wadaxaajoodyada xabadda lagu joojinayo iyo siideynta dadka laga haysto Israel ayaa Qatar maanta dib uga bilaabanaya.

Aqalka cad waxay sheegeen in weli farqi uu jiro balse rajada ah in ugu dambeyn heshiis la gaaro ay tahay wax la rajeynayo.

Waxay u muuqataa in Xamaas ay isaga hareen go’aankooda ahaa in Israel xaqiijiso xabad joojin rasmi ah ka hor inta wadahadalku bilaaban balse waxay ka digeen weerarka isreal ee xoogeystay in uu dhaawacyo heshiiska.

Dadka Gaza waxay sheegeen in ciidamada Israel ay xoojiyeen weerarada waqooyiga iyo koonfurta Gaza

Militeriga Israel ayaa ku daadiyay Gaza waraaqo dadka loogu sheegayo in ay ka baxaan ayna aadaan dhinaca bartamaha magaalada.

Waa markii labaad oo dadka loo sheego in ay ka baxaan magaalada ilaa markii uu dagaalka bilwoday.

Waraaqaha la daadiyay ayaa dadka looga digay in ay magaalada noqoneyso goob dagaal. Waxaa lagu qiyaasay dad ka badan rubuc milyan in ay weli halkaas ku nool yihiin.

Waraaqaha la daadiyay ayaa ku soo aaday iyadoo wadahadalo aan toos aheynay ku lug leeyihiin Mareykanka, Isreal, Qatar iyo Masar ay dib u bilowdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here