Isniin 23, June 2025 {CBB}Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa kormeeray diyaar garowga Ciidamada kala duwan ee ka qeybgalaya dabaal-degga Maalmaha Xorriyadda ee dalka.
Kormeerka Wasiirka waxaa ku wehliyay xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirrada kuwaas oo qeyb ka ah Guddiga Qabanqaabada. Mas’uuliyiinta ayaa booqday xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye oo lagu diyaariyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Asluubta kuwaas oo qayb muhiim ah ka qaadan doona bandhigyada Maalmaha Xorriyadda.
Intaa ka dib, Guddigu waxa ay booqdeen xarunta Daljirka Daahsoon oo ka mid ah goobaha taariikhiga ah ee loo asteeyay in lagu qabto Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada. Halkaas oo ay socoto qabanqaabo ballaaran, lana diyaarinayo barnaamijyo taabanaya halgankii xoriyadda, midnimada iyo guulaha la gaaray.
Wasiir Cali Xoosh ayaa ammaanay sida ay Ciidamada u muujiyeen dadaalka, feejignaanta iyo niyad-samida ay ugu jiraan diyaar garowga dabaal-degga, wuxuuna tilmaamay in maalmaha xorriyadda ay yihiin fursad lagu muujiyo isku duubnida ummadda Soomaaliyeed, laguna xasuusto halgankii gobonnimo doonka.
Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo xuso maalmahaas taariikhiga ah si jiilasha cusub ay u bartaan qiimaha xorriyadda, halganka dadkooda iyo dadaalka loogu jiro midnimo dhab ah oo Soomaaliyeed.







