Home WARARKA MAANTA MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda.

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda.

40
0

Talaado, 01 Jully 2025 {CBB}Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda weyn ee 65-guurada kasoo wareegtay maalinta xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo ku beegan 1-da Luulyo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in toddobaadka xorriyaddu uu xambaarsan yahay xusuus iyo qiime weyn, maadaama uu ka dhashay halgan dheer oo ay shacabka Soomaaliyeed u galeen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumeystaha, ugana dhaxli lahaayeen dowladnimo sal adag oo ay iyagu leeyihiin.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay:

Mar walba xusuustaan halgankii iyo taariikhdaas dahabiga ah,

U duceeyaan halyeeyadii nafahooda iyo dhiiggooda u huray xorriyadda, gobannimada iyo dowladnimada aan maanta haysanno.

“Hambalyo Munaasabadda 1-da Luulyo,” ayuu ku soo gabagabeeyay farriintiisa, isagoo muujiyay dareen qaranimo iyo wadaninimo ku dheehan xusuusta maalinta taariikhiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here