Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Caddaaladda XFS iyo mas’uuliyiin kale Oo gaaray Magaalada Marka

Sawiro;-Wasiirka Caddaaladda XFS iyo mas’uuliyiin kale Oo gaaray Magaalada Marka

55
0

Arbaco 17 July 2024 {CBB}Waxaa Magaalada Marka Ee Gobolka Shabeelada Hoose Gaaray Wafdi Heer Sare Ah Oo Uu Hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda Iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Qaybna Ka Yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Dib-U-Heshiisiinta, Wasiir-Dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Iyo Wadaaradaha Dawlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed Ee Soomaaliya.

Safarkaan Oo Ah Mid Loogu Kuurgalaayo Arrimaha Nabadgalyada, Caddaaladda, Dib-U-Heshiisiinta Iyo Horumarka Ayuu Ujeedkiisu Yahay In La Dardar Galiyo Barnaamijyadii Xasilinta Ee Ka Socday Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taas Oo Loo Maraayo In Loo Kuurgalo Habka Ugu Wanaagsan Ee Cashardii Laga Bartay Hawlgalada Xasilinta Loogu Dabbaqi Lahaa Deegaannada Kale Ee Dhawaan Laga Xoreeyay Alshabaab.

Waxaa Xusid Mudan In Magaalada Marka Iyo Guud Ahaan Gobolka Shabeelada Hoose Uu Xuddun U Ahaa Hawlgalka La Dagaalanka Alshaab Iyo Xasilinta Sannadihii Inna Soo Dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here