Khamiis 18 July 2024 {CBB}–Maamulka Degmada Waajid oo uu Horkacayo Gudoomiye Maxamed Macalin Yuusuf oo ay kaashanayaan Wasaaradda Arimaha Gudaha Koofur Galbeed ayaa Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ka hirgeliyey Nalalka ku shaqeeya Cadceeda oo Qeyb ka ah Hormarka Magaalada ay ku Tilaabsatay.
Maamulka Degmada Waajid ayaa xil weyn iska saaray sidii degmada ay u yeelay laheyd adeegyada Bulshada oo dhameystiran taasi oo qeyb weyn ka qaadan karta horumarka degmada.
Sidoo kale Nalalkaan laga hirgaliyay degmada Waajid ayaa ka qeyb qaadan doonaan nabad galiyada degmada ayadoona Laamaha amniga u sahli Kara ilaalinta iyo aragtada dadka amni darada ku haaya degmada.
Maamulka degmada Waajid ayaa Bulshada faray in ay ilaaliyaan waxyaabaha danaha guud ah oo u dhaxeeya Bulshada degmada Waajid.
Guddoomiye Maxamed Macalin Yuusuf ayaa balan qaaday in adeegyada Bulshada ee degmada Waajid la dhameystiri doono si loo horumariyo adeegyada Bulshada iyagana looga baahan yahay in ay kaalintooda ka qaataan.