Khamiis 18 July 2024 {CBB}–Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Gudoomiye ku xigeennada Degmooyinka Garbahaarey iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa Cabdi Barre Maxamed loogu magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga iyo siyaasadda Garbahaarey, halka Maxamed Cabdi Cumar uu u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Garbaharey.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Cumar Aadan Nuur u magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga iyo siyaasadda ee degmada Buur-dhuubo.
Halkaan ka akhriso