Talaado 29 July 2025 {CBB} Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa magaalada Xudur kulan muhiim ah kula yeeshay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo odayaasha dhaqanka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta horumarinta adeegyada bulshada, nabadgalyada iyo mashaariicda horumarineed.
Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, wasiiro, la-taliyaal iyo Senator Aadan Cabdinasiir, oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeynta dowladda iyo bulshada, si loo gaaro horumar waara oo ku saleysan adeegyo iyo amni lagu kalsoonaan karo.
Madaxweyne Laftagareen oo weli ku sugan Degmada xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay gudaha Degmadaasi kuwaasi oo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada Bulshada iyo kuwa dowladeed.








