Talaado 29 July 2025 {CBB}Wasiirka Caafimaadka Dowladda Gobaleedka KGS Mudane Said Ahmed Ali ayaa booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay isbitaalka Gobolka Bakool ee degmada Xudur iyo Xaruunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Shiidle MCH.
Wasiir Said Ahmed Ali, Wasiirka Caafimaadka DKGS oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Koonfurgalbeed oo safar shaqo ku jooga Magaalada Xudur ayaa waxaa uu maanta kormeer guud oo ku saabsan u kuurgalidda Habsami u socodka adeegbixinta goobaha caafimaadka ku maray qeybaha isbitaalka gobolka iyo xaruunta Shiidle MCH.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn si aad ah u boogaadiyay Waxqabadka muuqda iyo adeegyada tayada leh ee loogu adeegayo Bulshada KGS, gaar ahaan howlwadeenada caafimaadka oo muujiyey Dadaal iyo karti dheeri ah, taas oo gogolxaar u ah gaaridda yoolka Bulsho caafimaad qabta.








