Talaado 29 July 2025 {CBB}Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga iyo Adkeysiga Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdulkadir Ibrahim Abdullahi {Ibrou} ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (UN Human Rights Officer) ee ka howlgala Koonfur Galbeed Ms. Sia Muwalla.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa xafiiska Xuquuqda Aadanaha iyo Wasaaradda, si kor loogu qaado ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan deegaanada miyiga iyo horumarinta adkeysiga bulshada.
Wasaaraddu waxay ka go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la ledahay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo gaaro horumar waara oo loo dhan yahay.








