Home WARARKA MAANTA Sawiro:-Shir Muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta Sharciga iyo habeynta Gargaarka oo...

Sawiro:-Shir Muhiim ah oo ku saabsan ilaalinta Sharciga iyo habeynta Gargaarka oo lagu qabtay Baydhabo.

45
0

Talaado 29 July 2025 {CBB}Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay shir muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta sharciga iyo nidaaminta habraaca bixinta gargaarka bani’aadantinimo. Shirkan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray sidii dadka danyarta ah ee ku nool deegaannada Koonfur Galbeed si cadaalad iyo hufnaan leh u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah.

 

Shirka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha samafalka ee caalamiga iyo kuwa gudaha, iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la mideeyo dadaallada hay’adaha iyo dowladda si loo helo hannaan isku dhafan oo wax-ku-ool ah oo lagu gaarsiinayo gargaarka dadka u baahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here