Home WARARKA MAANTA Sawiro:-wasiirka Aminga koonfurgalbeedayaa maanta booqasho iyo kormeer rasmi ah ku tagay saldhiga...

Sawiro:-wasiirka Aminga koonfurgalbeedayaa maanta booqasho iyo kormeer rasmi ah ku tagay saldhiga Booliska degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool. 

52
0

Arbaco 30 July 2025{CBB}Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdiqaadir Maxamed, ayaa maanta booqasho iyo kormeer rasmi ah ku tagay saldhiga Booliska degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool.

 

Booqashadaan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo tayeynta xarumaha amni ee Koonfur Galbeed.

 

Wasiirka waxaa booqashadiisa ku wehliyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay saldhigga Booliska Ceel-Barde, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiisha iyo ciidanka Booliska degmada.

 

Ujeedka booqashada Wasiirka ayaa ahaa in uu qiimeeyo xaaladda dhabta ah ee saldhigga, kaas oo haatan u baahan dayactir degdeg ah si uu u sii wado shaqadiisa muhiimka ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga.

 

Wasiir Xasan Cabdiqaadir ayaa ballanqaaday in dowladdu ka shaqeyn doonto sidii saldhigga loogu sameyn lahaa dib u dhis iyo qalabeyn buuxda.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay ciidamada Booliska dadaalkooda joogtada ah ee ay ku sugayaan amniga degmada Ceel-Barde, isagoo sheegay in la garab istaagi doono si loo xoojiyo amniga guud ee gobolka Bakool Gaar ahaan degmada Ceel-Barde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here