Arbaco 30 July 2025{CBB}Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Qeyb Cusub oo caafimaad oo casri ah oo laga hirgeliyey Ispitaalka guud ee Gobolka Bakool, Xaruntan caafimaad ayaa loogu talagalay in ay bixiso adeegyo caafimaad oo tayo leh, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka, daaweynta cudurrada faafa, iyo adeegyada degdegga ah.
Munaasabadda xarig-jarka xarunta ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ugu Horeeyo Wasiirka Caafimaadka Mudane Said Ahmed Ali ,Madaxda maamulka Gobolka Bakool, kan Degmada Xudur, xirfadlayaal caafimaad, iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee xarunta, isagoo bogaadiyey dadaalka dowladda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee ku baxay dhismaha iyo qalabaynta xarunta.








