Isniin, 04 August 2025 {CBB} Hoggaamiyaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay magaalada Laascaanood, kadib dhismaha dhameystirka maamulkaan ayaa si cajiib ah ugu caqli celiyay Somaliland oo ay horay ugu dagaalameen qaybo kamid ah gobolka Sool.
Firdhiye ayaa farriin culus u diray maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, isaga oo sheegay in dagaalka oo sii socdo aanu keeni karin natiijo la mahadiyo.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrinta midnimada dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay tahay lama taabtaan, ayna marnaba ogolaan doonin inay kala go’do Soomaaliya.
“Waa masuuliyad Eebbe inaga saaray, laynagu eegayo; meesha aynu joogno haddii looga ololaynayo in Soomaaliya la kala gooyo, cidina isku hayn karimayso. Sidoo kale, haddii aan laga doonayn kala goynta, cid kala goyn kartaa ma jirto,” ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in maamulka cusub ee laga yagleeyay Sool, Sanaag iyo Togdheer uu ku yimid rabitaanka shcabka, isla markaana uu u taagan midnimada dalka.
Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale Somaliland uga digay inay kusii socoto dhabaha dagaalka, isaga oo sheegay in aysan mahdin doono, haddii aanay ka waan-toobin.
“Walaalaha soo bu’aya waxaan leeyahay: waar nabadda ayaa naas la nuugo leh. Colaadda, dagaalka iyo dirirtana hore ayaynu u soo aragnay. Waxa aad u hanqaltaagaysaan ee aad isleedihiin xaqiijiya ma jiri karaan,” ayuu raaciyay hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari.
Si kastaba, Abuuritaanka maamulkan cusub waa natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay oo ka qaraxday magaalada Laascaanood, oo ah xarunta gobolka Sool, dabayaaqadii 2022.
Dibadbaxyo looga soo horjeeday dilal is-daba-joog ah oo loo geystay shakhsiyaad deegaanka caan ka ahaa ayaa isku beddelay halgan hubeysan oo ballaaran bishii Febraayo 2023, kaas oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo ciidamadii cusbaa ee SSC-Khaatumo.







