Home WARARKA MAANTA Duqa Muqdisho oo sheegay in waddooyin loo furayo Suuqyada Muqdisho

Duqa Muqdisho oo sheegay in waddooyin loo furayo Suuqyada Muqdisho

44
0

Taado 05 August 2025 {CBB}Guddoomiyaha gobolka Banaadir ah Duqa Magaalada Muqdisho, Dr Xasan Mungaab ayaa ka hadlay khasaaraha naf iyo maal ee ka dhashay dabkii xalay ka kacay Suuq Bacaad.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaato badan laga maray sidii loogu gurman lahaa dadka ku wax yeeloobay dabka xooggan ee ka kacay Suuqa, iyadoo la isku dayay in la maareeyo.

Ambalaasta xitaa meel aan ka galino Suuqa ayaan weynay, waxaa gurmad gaarsiineyna ganacsatada iyo dadka ku hanti beelay Suuqa” ayuu yiri Guddoomiye Mungaab.

Mungaab oo sii hadlaya ayaa sheegay in dowladda ka shaqeynayso sidii waddooyin loogu sameyn lahaa Suuqyada Waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Ma ahan in la siyaasadeeyo qorshaha dowladda ee dib u habeynta iyo waddooyinka loo sameynayo Suuqyada magaalada Muqdisho si looga fogaado khasaare dabka ah” ayuu yiri Duqa Muqdisho

Hadalka Guddoomiya ayaa ku soo aadaya xilli khasaare kala duwan ka dhashay dabka xalay ka kacay Suuq Bacaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here