Home WARARKA CAALAMKA Madaxweynaha Kenya oo lagu eedeeyay in uu la kulmay xubno katirsan ‘AS’

Madaxweynaha Kenya oo lagu eedeeyay in uu la kulmay xubno katirsan ‘AS’

33
0

Axad 10,August 2025 {CBB} Madaxweyne ku xigeenkii hore Kenya Rigathi Gachagua oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Dalkaas William Ruto isaga oo ku eedeeyay in uu Ismaamulka Mandheera kula kulmay xubno katirsan ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.

Rigathi ayaa eedeyntiisa ku adkeeyay in Ruto uu Xubnahaas katirsan ‘AS’ kala hadlay Ganacsiga Dalkaas, Walaaca dhinaca Nabadgalyada iyo dhacdooyinka kale ee sii kordhay kana dhacay Waddankaan sida uu yiri.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Kipchumba Murkomen iyo saraakiil katirsan laamaha ammaanka Dalkaas ayaa sheegay in su’aalo la weydiin doonnto Madaxweyne ku xigeen hore marka uu dib ugu laabto Nairobi soo gabagabeeyo dalxiiska uu ku jiro Maraykanka.

Kiiskiisa waxaa lagu simi doonnaa ilaa Maxkamad maadaama eeddaas ay tahay mid culus oo ka dhan ah amniga qaranka Dalka Kenya sida uu yiri sarkaal katirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay hadalkaan guuxa culus ka dhex abuuray Dalkiisa.

“Kenya waxaa ka dhacay fal dambiyeed ah in uu Madaxweyne William Ruto la kulmay xubno katirsan Al-Shabaab, kulankaan ka dhacay Mandheera waxa uu kala hadlay Arrimaha Ganacsiga & rabshada dhinaca Amniga” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua isaga oo aan soo bandhigin caddeymo.

Gachagua waxaa bishii Oktoobar sanadkii hore 2024 xilka ka qaaday Baarlamanaka Kenya kaddib markii ay dheeratay xiisadda kala dhaxeysay Madaxweyne William Ruto, wixii xiligaas ka dambeeyay waxa uu soo qofayay eedaha ka dhanka ah hoggaamiyaha ay qabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here