Home WARARKA MAANTA Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

26
0

Jimco 15, Aug 2025 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo safar dibadda ah ku maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, Wasiirro katirsan Xukuumaddiisa ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa Dalka Turkiga, Xukuumaddu ma faah-faahin ujeedka socodkiisa iyo natiijada kasoo baxday safarkiisa.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhowaan waday Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxa ay xubnahaas diyaariyay soo jeedinta ay sheegeen in ay la sugayaan furmashada kalfadhigooda dhowaan la filayo in uu furmo.

Xamsa Cabdi Barre waxaa Xukuumaddiisa horyaalla dardargelinta howlaha la xiriira dhinacyada Amniga, Doorashooyinka iyo diyaarinta hindise sharciyeedyada ay u gudbineyso Golaha Shacabka oo kalfadhigiisa furmaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here