Home WARARKA CAALAMKA MW Ukraine oo berri tagaya Maraykanka lana kulmaya Donald Trump.

MW Ukraine oo berri tagaya Maraykanka lana kulmaya Donald Trump.

26
0

Axad, 17 August 2025 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhaafi waayay shuruudda Ruushka uu ku joojin karo dagaalka Ukraine ayaa ku qasbanaaday in uu martiqaado Volodymr Zelensky si uu ugu dhaadhiciyo ka tanaasulka dhul kamid ah dalkiisa si dagaalkaas usoo afjarmo.

Zelensky oo diidan in uu qayb kamid ah dhulkiisa ka tago isla markaana qaato Ruushka ayaa berri u safraya Magaalada New York iyada oo weliba markii ugu dambeysay uu tagay Magaaladaas uu ku canaantay Donald Trump kuna kala tageen.

Safarka Madaxweynaha Ukraine ayaa la dulsaaray su’aalo badan oo jawaabaha ku habboon lala sugayo marka uu la kulmo Madaxweyne Donald Trump maadaama dhowaan uu si rasmi ah u sheegay in uusan ka tanaasuli doonnin dhulkiisa.

Volodymyr Zelensky ayaa garab istaag ka raadsaday Dalalka Yurub, waxa uu marnaba dhinac uga bixi Karin Maraykanka oo labo dan isku qabaan, mar waxa uu ka helaa kaalmo Militari halka marka xigta dalkiisa laga doonayo macdanta ku jirta in Washington ka faa’iideysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here