Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb ku wajahan

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb ku wajahan

29
0

Axad, 17 August 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow safarkiisa Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay iyo in uu dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Deegaannada Dowlad-Gobolka Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Dowlad-Goboleedka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada si uu ugala hadlo ujeedka safarkiisa Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here