Isniin, 18 August 2025 {CBB}Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa mushaarkiisa ugu deeqay Agoonta iyo Carruurta darbi-jiifka ah si ay helaan mustaqbal wanaagsan oo dhanka Waxbarashada ah sida lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadiisa.
Troare ayaa la kulmay qaar kamid ah carruurtaas iyo ehelkooda isaga oo dhageystay warbixin kooban oo xaaladdooda la xiriirta, kaddib waxa uu ku dhawaaqay go’aanka ah in uu mushaarkiisa ku bixiyo sidii ay u heli lahaayeen nolol ka wanaagsan tan hadda ay ku nool yihiin.
Hoggaamiyaha Burkina Faso oo ay la socdeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumaddiisa ayaa sheegay in Dowladda ay qaadaneyso waajibka ka saaran daryeelka Aqoonta iyo kuwa dayacan ee darbi-jiifka ah oo mas’uuliyad weyn ka saaran tahay.
Dalka Burkina Faso waxa uu dhacaa Galbeedka Qaaradda Afrika, dadka dalkaas waxaa lagu qiyaasaa 23.55 Milyan oo ruux sida ku xusan baarista uu sameeyay bangiga Adduunka sanadkii (2024), qaar kamid ah dadkaas ma heystaan dhaqaale ku filan.







