Home WARARKA MAANTA Shir looga hadlaayay ka xor taga waxyaabaha qarxa oo ka dhacay degmada...

Shir looga hadlaayay ka xor taga waxyaabaha qarxa oo ka dhacay degmada Baydhabo.

55
0

Axad 21 July 2024 {CBB}Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Agaasimihiisa Wasaaradda Iyo Mas’uulin Kale Oo Ka Tirsan Wasaaradda Ayaa Xafiiskooda Waxay Ku Soo Dhaweyeen Mas’uulin Ka Socotay Wasaaradda Amniga Dowladda FS, Waxayna Yesheen Shir Looga Hadlaayay Xoojinta Wada Shaqeynta Wasaaradda Iyo Xoojinta Arrimaha Amniga KGS.

Shirka Ayaa Waxaa Qeyb Ka Ahaa Hay’adaha Ka Shaqeeya Arrimaha Amniga Oo Ugu Horeyso UNMAS Taasi Oo Ka Shaqeysan Arrimaha Amniga Iyo Wax Yaabaha Qarxa.

Shirka Oo Waqti Badan Qaatay Ayaa Waxaa Lisku Fahmay Wada Shaqeynta Lawada Hay’adood Ayadoona Shirka Lagu Sheeqay In Hay’adaha Ka Shaqeeya Arrimaha Amniga Diyaar Ay U Yihiin Xoojinta Amniga.

Hay’adda UNMAS Ayaa Waxay Ka Shaqeysaa Bur Burinta Haraadaha Waxyaabaha Qarxa Kuwaasi Oo Ay Ku Badan Yihiin Degaanadaan KGS Madaama Dagaalo Badan Ay Ka Dhaceen.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga KGS Ayaa Sheegay In Dhinacyada Shirka U Dhaweeyay Ay Isku Fahmeen Shirka Waana Ay Soo Dhaweynayaan Iyadoo Arrintaan Faa’ido Iyo Muhimad Weyn Ay U Tahay Bulshada Madaama Ay Jiraan Waxyaabo Halis Ku Ah Bulshada Ay Dhaxyalaan Degaanadooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here