Home WARARKA MAANTA Wararkii ugu dambeeyay ee tartanka guddoonka golaha wakiilada Waqooyi bari

Wararkii ugu dambeeyay ee tartanka guddoonka golaha wakiilada Waqooyi bari

27
0

Sabti, 23 Aug 2025 {CBB}Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa ka bilaabantay hotel Jidbaale oo ku yaala bariga magaalada Laascaanood xarunta maamulka Waqooyi Barri.

Dr. Aadan Cabdilaahi Aw Xasan iyo cabdulqaadir Maxmuud Maxamed ayaa u tartamaya xilka gidoomiyaha golha wakiilada, halka ku xigeenka koowaad ay u tartamayso Amran Axmed Xasan iyo Axmed Maxamed Axmed.

Gudoomiye ku xigeenka labaadna sida ay soo gudbiyeen gudiga u xilsaaran Cabdirisaaq Jaamac Warsame ayaa u tartamaya.

Doorashada gudoomiyaha ayaa ah mid ay labada u tartamayaa ay ka soo jeedaan Maamulkii SSC Khaatumo ama Gobolka Sool taas oo la filayo in ay janis siiso dadka isbedelka doonaya oo jaan goso habraac cusub cida noqonaysa hogaanka Waqooyi Barri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here