Home WARARKA MAANTA Ra’iisul wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay dalka Shiinaha?

Ra’iisul wasaare Xamze oo safar ugu ambabaxay dalka Shiinaha?

56
0

Axad , 24 Aug 2025 {CBB} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha.

Halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga ganacsi, maalgashi, tiknoolojiyad iyo tamar, isaga oo fursad u ah Soomaaliya in ay ka qayb qaadato horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here