Home WARARKA MAANTA Koofur Galbeed, Galmudug & Hir-Shabeelle oo Dadka sameysanaya NIRA lacag looga qaado...

Koofur Galbeed, Galmudug & Hir-Shabeelle oo Dadka sameysanaya NIRA lacag looga qaado ?

27
0

Isniin 25 , Aug 2025 {CBB}Xarumaha Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmdugu iyo Hir-Shabeelle ee lagu bixiyo Kaarka aqoonsiga Muwaadinka waxaa dadka doonta kaarkaas laga qaadaa lacag dhan $2.5 sida ay Mustaqbal ku heshay xog-baaris ay ku samaysay.

Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar oo ah xarumaha saddexdaas Dowlad-Goboleed oo laga bixiyo kaarkaan waxa ay Dadka lacagaha ku tuuraan u tuuraan labo qaab oo kala ah:

Xarumaha qaar marka qofka uu gudbiyo dukumiintiyada muhiimka ah Dhalashada iyo Sugnaanta, Ruqsad ama Baasaboor isla markaana la xaqiijiyo sax naashiyahooda waxa laga hormariyaa lacag halka meelaha qaar marka uu kaarka soo baxo laga qaado.

Inta aan ku jirnay baaristaan waxa aan ku ogaanay in teleefannada lagu tuuro lacagaha ay aanay ahayn kuwa ku xiran Koontooyinka balse waxaa ku qoran Xafiiska NIRA ee Magaaladaas sida Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar.

Magaalada Muqdisho waxa ay Dadka kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ku qaataan si bilaash ah, billowgii dalbashada NIRA ee Caasimadda waxa uu ahaa $5 Laakiin muddo kaddib ayaa la joojiyay lacagahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here