Talaado 23 July 2024 {CBB}–Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha garsoorka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa qeybaha Kaladuwan ee bulshada Degmada Baraawe uqabtey kulan wacyi galin ah oo ku saabsan ahmiyada ay leedahay Cadaalada iyo sida bulshada kaalin uga qaadaan lahaayeen hormarinta cadaalada, ka hortaga fal danbiyeedyada isqaqabsiga bulshada dhaxdeeda ah iyo goobaha loo dacwa tago.
kulankan ayaa waxaa si wada Jir Ah usoo agaasimay gudoomiyaha maxakamada Degmada Baraawe Dr Muqtaar Abba Nur Mayiike iyo wakiilka xafiiska xeer ilaaliyha Guud KGS ee Degmada Baraawe Dr Ahmed Mustafa Ahmed (Ahmed Biimalow)
Kulanka waxaana daahfuray Gudomiyaha Degmada Baraawe ahna duqa Magaalada Omar Sheikh abdi shafani isagoo bulshada Kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo hormarinta cadaalada, nabada iyo isdhaxgalka