Home WARARKA MAANTA Duqeyntii Israa’iil ay ku qaadday dhawaan Qadar oo maanta shir laga yeelanayo.

Duqeyntii Israa’iil ay ku qaadday dhawaan Qadar oo maanta shir laga yeelanayo.

27
0

Waxaa maanta dalka Qadar ka dhacaya shir degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda Carabta, kaas oo ka jawaabaya duqeyntii Israel ay toddobaadkii hore ku qaadday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan magaalada Doha.

Qabyo-qoraal qaraar oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in weerarkii Israel ku qaadday Qadar, iyo sidoo kale falalka colaadeed ee socda oo ay ku jiraan xasuuq, isir sifeyn, iyo gaajo, ay khatar ku yihiin rajada nabadda iyo wada noolaanshaha.

Ra’iisul wasaaraha Qadar, Sheekh Al Thani, ayaa horay ugu boorriyay beesha caalamka inay joojiso adeegsiga heerarka kala duwan oo ay ciqaabto Israel. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Qadar ay tahay xulufo weyn oo Maraykan ah, isla markaana Israel ay ka fiirsato ka hor inta aysan weerar qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here