Sabtii 4 Oct , 2025 {CBB}Brain Kagame oo ah wiilka ugu yar Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku biiray ciidamada dalkaas, waxa uu kamid ahaa 1,000 sarkaal oo tababar ku qaatay kulliyadda ciidanka ee boqortooyada Ingriiska laguna magacaabo Sandhurst ee la dhisay sanadkii 1947.
Waxaa ka horreeyay Ian Kagame oo lagu daray ciidanka gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Rwanda, waxa ay fursad u heleen in lagu tababaro xeryaha boqortooyada Ingiriiska oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Hoggaamiyaha dalkaan dhaca Galbeedka Afrika.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa Madaxweyne Paul Kagame wehlineysay Marwadiisa Jeannette Kagame, Warbaahinta ayaa durba sheegtay in arrintaan ay muujineyso sida uu hoggaamiyaan qoyskiisa ugu dhex milayo ciidanka qalabka sida.
Saraakiisha tababarka loosoo xiray ayaa u dalacday Gaashaanle Dhexe, kaddib markii sanado is xig-xigay oo ay tababar gaar ah qaadanayeen, ugu dambayn waxaa Derajada u xiray Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.
Waxa ay ku sifeeyeen in arrintaan ay tahay in uu doonayo sidii uu ugu diyaarin lahaa in Mustaqbalka ay uga dhaxlaan maamulka, waxaa hadalkaan dhinac yaalla in Madaxweyne Paul Kagame uu iska fogeeyay dhammaan sheegashooyinkaan.
Si dadban ayuu isaga fogeeyay kaddib markii qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku sheegay in saraakiisha cusub oo uu wiilkiisa ku jira laga doonayo in ay dalkooda wax u qabtaan maadaama ciidamadu ay badbaadiyeen waddankaas.
“Ciidanka Difaaca Rwanda waxa ay door muuqda ka qaateen dhismaha iyo horumarka qarankeenna, waa in aad sii wadaan, qof weliba oo idinka mid ah waa in uu ogaadaa mas’uuliyadda ka saaran dalkiisa, xusuusnow in waajib uu yahay u adeegista qaranka” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame.
Markii arrintaan soo shaacbaxday waxa ay dad badan dib ugu laabteen Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba ugu diyaariyay sidii talada dalkaas ula wareegi lahaa marka uu xilka banneeyo.
Madaxda Dalal kala duwan ayaa carruurtooda ku dara ciidamada qalabka sida iyo kuwa gaarka ah si ay xilka ugu sii dheereystaan haddii ay waayaan kalsoonida dadkoodana ama geeriyoodaan u dhaxlaan ubadkooda sida ka dhacday dalal badan.







