Home WARARKA MAANTA Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay Degmada Awdheegle, Shabeellaha Hoose laga xorreeyay...

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay Degmada Awdheegle, Shabeellaha Hoose laga xorreeyay Al-Shabaab.

23
0

Sabtii 4 Oct , 2025 {CBB}Wasaaradda Gaashandhigga Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Ciidamada Xoogga Dalka ay saaka si buuxda ula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib howlgallo amni oo qorsheysan oo lagula wareegayey gacanta kooxda Khawaarijta ee halkaasi ka dagaalamaysay.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhigga XFS, Sheekh Abuukar Maxamed, oo goordhow la hadlay warbaahinta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda u gudaha galeen degmada, isla markaana hadda gacanta ku hayaan dhammaan goobaha muhiimka ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Degmada Awdheegle ayaa ka mid ah degmooyinka istaraatiijiga ah ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay leedahay door muhiim ah oo dhanka ganacsiga iyo isu socodka bulshada. Kooxaha Khawaarijta ayaa horey u haystay deegaanada qaar, iyagoo dhibaato weyn ku hayay dadka deegaanka iyo ganacsiga, balse howlgalka ciidamada ayaa horseeday in laga xorreeyo magaalada, loona celiyo nabad gelyo buuxda.

Saraakiisha milatariga ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin qorshe guud oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado si loo xoojiyo amniga guud ee gobolka, loona ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaannada muhiimka ah. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sidoo kale wargeliyey bulshada deegaanka in ay iska kaashadaan ilaalinta amniga, isla markaana la wargeliyo haddii ay arkaan dhaqdhaqaaqyo shaki leh.

Ugu dambeyntii, howlgalkan ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo dadaallada socda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in laga adkaado kooxaha argagixisada iyo in la xaqiijiyo xasilooni waarta oo ka hirgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Qorac ;- Maxamud Ali Abdullahi (Gabsha)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here