Home WARARKA MAANTA Dhismaha Wadooyinka Baydhabo oo Si Rasmi ah Dib Uga Bilaabmay.

Dhismaha Wadooyinka Baydhabo oo Si Rasmi ah Dib Uga Bilaabmay.

27
0

Sabtii 4 Oct , 2025 {CBB}Waxaa si rasmi ah magaalada Baydhabo dib uga bilaabmay dhismaha wadooyinka laamiga ah, kuwaas oo horay hakad ugu jiray muddo dhowr bilood ah sababo la xiriiray caqabado dhanka fulinta ah. Dib u bilaabashada mashruucan ayaa ku soo beegmaysa xilli shacabka magaalada ay si weyn u xiiseynayeen in la dhamaystiro wadooyinkii bilicda lahaa ee mashruucaasi ka koobnaa.

 

Mashruucan dhismaha wadooyinka, oo muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo kobaca ganacsiga gudaha magaalada, ayaa hadda si rasmi ah u socdo, iyadoo laga dareemayo howlo ballaaran oo ka socda waddooyinka waaweyn ee Baydhabo. Wadooyinkan ayaa lagu sameynayaa dayactir, balaarin, iyo nidaam cusub oo casri ah oo fududeynaya isu socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana horumarinaya bilicda magaalada.

 

Inkasta oo dhowaan Dowladda Hoose ay ku dhawaaqday in shaqada dib loo bilaabi doono, haddana waxaa si toos ah u bilowday fulinta mashruuca, waxaana la arkayaa shaqaale iyo qalab culus oo ka shaqeynaya waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. Masuuliyiinta maamulka degmada ayaa sheegay in dib u bilaabashada dhismaha wadooyinkan ay tahay mid ka mid ah tallaabooyinka lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah ee Baydhabo, lana hubinayo in mashruuca lagu dhameystiro waqtigii loogu talagalay.

 

Shacabka Baydhabo ayaa muujiyay farxad iyo bogaadin ku aaddan dib u bilaabashada dhismaha wadooyinkan, iyagoo tilmaamay in mashruucan uu muhiim u yahay ganacsigooda, isku socodka bulshada, iyo horumarinta muuqaalka guud ee magaalada. Waxay sidoo kale xuseen in wadooyinka bilicda leh ay horseedayaan rajo iyo dhiirigelin ku saabsan horumarinta magaalada.

 

Dib u bilaabashada dhismaha wadooyinkan ayaa horseedaysa horumar la taaban karo, iyadoo la filayo in marka la dhameystiro ay si weyn uga faa’iideystaan bulshada iyo ganacsatada ku nool magaalada Baydhabo.

 

Dowladda Hoose ayaa ballan qaaday in mashruuca lagu dhameystiri doono waqti kooban, iyadoo si joogto ah loo kormeeri doono tayadiisa iyo habsami u socodkiisa, si loo hubiyo in wadooyinkan ay noqdaan kuwo waara, ammaan ah, isla markaana horumarinaya bilicda magaalada.

 

Mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha dowladda hoose ee lagu horumarinayo magaalda Baydhabo, loona xaqiijinayo in adeegyada aasaasiga ah ay gaaraan bulshada, gaar ahaan isku socodka gaadiidka, fududeynta ganacsiga, iyo kobcinta nolosha maalinlaha ah ee muwaadiniinta.

 

 

Qorac ;- Maxamud Ali Abdullahi (Gabsha)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here