Axad 5 Oct , 2025 {CBB}Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab shalay Galab ay ku qaadeen Xabsiga Godka Jilicow oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Weerarka oo markii hore ku bilowday qaraxyo xooggan ayaa kadib xigay dagaal toos u dhexeeyay maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasi oo socday muddo 7 saacadood.
Toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay gudaha xabsiga Godka Jilicow, kuwaas oo ahaa kooxdii weerarka soo qaaday, Ciidamada ammaanka ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay soo afjaraan dagaalka, iyagoo dilay dhammaan maleeshiyaadkii weerarka ku lug lahaa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay War Saxaafadeed ayaa xaqiijisay la dilay dhammaan todobaddii xubnood ee ka tirsanaa maleeshiyadda kooxda Al-Shabaab ee soo weerartay xabsiga godka Jilacoow ee Magaaladda Muqdisho.
Qoraalka dowladda, ayaa lagu xusay in ragga ay si sahlan uga soo gudbeen baraha Kontorool ee magaalada maadama ay wateen darees, iyo gaadiid u eg midka dowladda.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay badbaadiyaan maxaabiistii ku xirnayd gudaha xabsiga Godka Jilicow.
Inta la xaqiijiyay, askar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka dad rayid ahna ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen rasaasta iyo qaraxyadii dhacay, inkastoo weli tiro koob ah sax laga helin weerarka.
Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa la geeyay dhaawacyo badan oo ay ku jiraan shacab iyo askar.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo sheegay in ay beegsadeen shir ay xabsiga Godka Jilicow ku lahaayeen saraakiil iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha ammaanka.
Ma cadda sida ugu fududaatay in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan Xabsiga Godka Jilicow ee Muqdisho.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday dib u furista waddooyin badan oo horey sababo amni darteed loo xiray gudaha caasimadda Muqdisho.








