Home WARARKA MAANTA DFS oo Sheegtay in Duqeymo Culus lagu dilay Horjoogayaal Sare oo ka...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo Culus lagu dilay Horjoogayaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab

60
0

Axad 5 Oct , 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo culus oo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu xusay in duqeymaha ay ka dhaceen deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow, halkaas oo lagu beegsaday horjoogayaal waaweyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka la dilay uu kamid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka kooxda Al-Shabaab, ahaana madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax).

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkii argagixiso ee shalay galabta dhacay uu yahay isku day ay kooxda Al-Shabaab ku muujinayso rafashada ka dhalatay jabkii culus ee shalay lagu gaarsiiyay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda ay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

Qoraalka ayaa lagu faray hay’adaha amniga in ay si buuxda u dhaqan geliyaan:

Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)

Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)

Xeerka Xakamaynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)

Dowladdu waxay si gaar ah ugu amartay hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaq-dhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here