Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo

60
0

Axad 5 Oct , 2025 {CBB}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray  Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo gudbiyay qasriga Madaxtooyada si wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ugana xaajoodaan soo afjaridda khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.

Cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa sare loo qaaday, waxaa saacado kahor la geeyay ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacaya wadahadal dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo 11kii bil lasoo dhaafay siyaasadda ka dhaxeysa aanay wanaagsanayn.

Jabtarta cusub ee u furmaya Siyaasadda Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa lagu hayaa indhaha maadaama labada dhinac meel fog arrintoodu gaartay, weli waxaa taagan jiitankii siyaasadeed oo la doonayo in gogosha Kismaayo lagu mayro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here