Axad 5 Oct , 2025 {CBB}War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada ammaanka Dowladda ee jooga baraha hubinta lagu faray in ay baaraan Gaadiidka Ciidanka ee caasimadda ku sugan.
Sidoo kale, waxa ay Wasaaraddu soosaartay amar la xiriira in lala socdo dhaqdhaaqa hubka iyo Gaadiidka si loo adkeeyo amniga Magaalada Muqdisho maadaama xubnihii weeraray Godka Jilacow ay wateen Dhar ciidan iyo Gaari lagu buufiyay sumadda NISA.
“Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda” Sidaasi waxaa lagu yiri Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS.
Warka ayaa lasii raaciyay iyada oo Wasaaradda Amniga daba socotay Gaariga weerarka loo adeegsaday “Arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka”.
Amarkaan ayaa si toos ah u taabanaya haddii uu dhaqangalo ciidamada wata gaadiidka Buufsan maadaama Gawaarida rayidka ah la baaro isla markaana la mariyo habraaca lagu xaqiijinayo iyaga oo safaf dhaadheer u galaya Isgoysyada Caasimadda.







