Axad 5 Oct , 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland si uu kulamo ula yeesho Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas Axmed Madoobe.
Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Kismaayo si ay u xaqiijiyaan amniga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa sidoo kale la adkeeyay nabadgalyada Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Marka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaaro Magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Madaxda Dowlad-Goboleedka Jubbaland si loo dhammeystiro heshiiiska lagu soo afjarayo khilaafka ka dhex jiray labada dhinac.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kismaayo waxaa ka horreeyay wadahadal telefoon oo horay u dhaxmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo heshiis hordhac ah ku gaaray.
La soco wixii kasoo kordha







