Talado 7, Oct 2025 {CBB }Wargeyska Israaiil ka soo baxa ee Ynet, ayaa maanta ku warramay inay wasaaradda arrimaha dibadda Israiil u qoondeysay lacag gaaraysa 145 milyan oo dollar sannadkan 2025 in lagu bixiyo ololaha internetka ee lagu taageerrayo Israaiil, waxayna heshiis la gaartay shirkadda Clock Tower X LLC, oo uu hoggaamiyo Brad Parscale, oo horey u ahaa maamulihii ololaha doorashada ee Donald Trump.
Qorshahan oo loogu magac darray Project 545,wuxuu diirada saarayaa baraha bulshada iyo barnaamijyada Ai-ga si loo beegsado dhallinyarada jiilka loogu yeero Gen Z ee isticmaalaya baraha TikTok, YouTube, iyo Instagram.
Waxaana ujeedku yahay in la khiyaameeyo algorithms-ka baraha bulshada iyo in la saameeyo nidaamyo ChatGPT iyo Gemini, ka daadinaya xogaha ka dhanka ah Israaiil , taa beddelkeedana lagu abuuro warar iyo aragtiyo taageeraya Israaiil, si looga waayo xog iyo warbixinno ka dhan ah Isra|l.







