Home WARARKA MAANTA Soomaaliya oo markii ugu horreysay 9 xubnood ku yeelatay baarlamaanka bulshada bariga...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay 9 xubnood ku yeelatay baarlamaanka bulshada bariga Afrika

23
0

Arbaco, 15, Oct  2025 {CBB}Soomaaliya ayaa maanta guul taariikhi ah gaartay kadib markii markii ugu horraysay ay ku yeelatay 9 xubnood oo rasmi ah Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Xubnahan cusub ayaa lagu doortay fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo muujineysa in dalka uu si buuxda uga qeybgalayo howlaha iyo go’aan qaadashada gobolka.

Magacyada Xildhibaanada la doortay waa:

• Abuukar Cabdi Cusmaan

• Xuseen Xasan Cabdi

• Sahra Cali Xasan

• Ilhaan Cali Gasar

• Faatima Cabdullaahi Maxamuud

• Cabdisalaan Hadliye Cumar

• Cabdiraxmaan Bashiir Shariif

• Faysal Cabdi Roobke

• Fahma Axmed Nuur

Xildhibaannada ayaa ku biiraya mudanayaal kale oo ka imaanaya sideeda dal ee qeybta ka ah ururka bulshada bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here