Home WARARKA MAANTA Kulan dhaxdhaxaadin ah oo lagu qabtay degmada Walanweyn ee gobolka sh/ Hoose.

Kulan dhaxdhaxaadin ah oo lagu qabtay degmada Walanweyn ee gobolka sh/ Hoose.

57
0

Talaado   30 July 2024 {CBB}–Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed iyo maamulka Degmada Wanlaweyn ayaa warbixin ka dhageystay guddiga dhexdhaxaadinta Beelo walaalo ah oo kudagaalamey dhul beereed.

Kulan waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha Dhaqanka Degmada iyo Gudigii ka shaqeeyey hirgalinta xabad joojinta iyo heshiiskii Hordhaca ahaa ee labada beel isku fahmeen in Xabada la joojiyo wixii sohdin ku saabsana dib looga wada hadlo.
Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Hassan Abdullkadir Mohamed oo ay Garab fadhiyeen Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn Abdullkadir Mohamed Abdullahi, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Saldhiga ayaa Odayaasha uga mahadceliyay dadaaladii ay sameeyeen isagoona Sheegay in Dowladda KGS ay ku raacsanthy go’aanadii ay gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here