Talaado 30 July 2024 {CBB}–Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xaruunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey ku xigeenka Agaasimaha Guud Hay’adda Cuntada Aduunka oo Maanta Baydhabo soo Gaaray
Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda WFP ayaa kulan ay qaateen waxay kaga Wada hadleen Arimaha Gargaarka, Cunta yarida, iyo sidii loo Kordhin lahaa Gargaarka la Gaarsiinayo Dadka ay saamaysay Is Bedelka Cimilada iyo Abaaraha
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiiro, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada.
kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadalay warsiirka wasaaradda waxbarasha dowlad gobaleedka koonfurgalbeed ayaa ka warbixiey u jeedka wafdiga ay baydhobo u soo gaareen iyo kulanka madaxweynah aya wada qaateen
Kulanka Madaxweynaha Laftagareen, iyo Wafdiga ayaa imaanaya xilli uu magaalada Baydhabo soo gaaray ku xigeenka agaasimaha guud ee Hay’adda Cuntada Aduunka.