Arbaco 31 July 2024 {CBB}–Degmada Berdaalle ee gobolka Baay ayaa waxaa si toos ah ugu socdaa dhismaha waddooyinka muhiimka u ah degmada taasi oo dhibaato way ay ku qabaan dadka iyo gaadiidka ayidoona hoos u dhigayaa bilicda degmada.
Dhismaha waddooyinka ayaa waxaa ka qeyb qaadanayaa Bulshada degmada Berdaalle, maamulka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Bulshada ee degmada.
Hadda waxaa la soo gaba gabeeyay wajigii koowaad oo lagu dhisaayay waddadii koowaad taasi oo loo dhisay habkii loogu tala galay taasi oo muuhineysa markii la dhisay waddada in ay soo baxday quruxdii waddadaasi.
Dhismiyaasha waddooyinka degmada Berdaalle oo lagu dhisaayay si is xilqaan ah ayaa maamulka degmada wuxuu Bulshada ku bugaadiyay in ay si kamid ah ay ku dadalaan sidii loo dhisi lahaa waddooyinka kale ee degmada Berdaalle.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Berdaalle Mudane Daa’uud, guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo mas’uulin kale oo gormeer ku Maray waddada ayaa ku amaanay Bulshada in ay waajibaadkooda ay ka soo baxeen si kamid ahna ay ka qeyb qataan kuwa kale ee dhawaan la bilaawi doono.