Home WARARKA MAANTA Khasaarahii ka dhashay Weerarkii Macawisleeyda ay ku qaadeyn Deegaanka Goobo oo la...

Khasaarahii ka dhashay Weerarkii Macawisleeyda ay ku qaadeyn Deegaanka Goobo oo la Shaaciyay.

17
0

Isniin, 27, Oct 2025 {CBB}Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Weerar Gaadmo ah oo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisleeyda ay ku qaadeyn Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Iska Hor-imaad kooban ayaa ka dhacay deegaanka goobo, waxaana Saraakiisha Ciidamada deegaanka ay sheegeyn in ay Weerarka ku dileeyn ku dhawaad 10-ruux oo ka tirsan Ururka Al-shabaab Cabdulllaahi Xuseen Axmed oo kamid ah Ciidamada deegaanka ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay shir ku lahaayeen deegaanka Goobo. Xogtaas oo ay heleeyn Ciidamada Macawisleeyda aya Sababtay in weerarkan uu dhaco.

Sidoo kale Waxaa ay sheegay Cabdullaahi in Al-shabaab ay Meeydad iyo dhawacyo badan ay geeyeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo gacanta kooxda ku jiro Mudo 3 Bilood ku dhow.

Ciidamada deegaanka ayaa bilaabay in Weerar gaadmo ah ay ku qaadan Xubnaha ka tirsan Al-shabaab eek u sugan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori, Waxaana weeraradaas Al-shabaab looga dilay Saraakiil iyo Askar Sida uu sheegay Cabdullaahi Xuseen Axmed oo Ciidamada deegaanka kamid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here