Home WARARKA MAANTA RW Xamsa: AI waxa ay gaartay heer aadan kala garanayn aniga caadiga...

RW Xamsa: AI waxa ay gaartay heer aadan kala garanayn aniga caadiga ah iyo aartifishilka

22
0

Talaado 4 Nov 2025 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka is dhinac yaalla ee wadato aaladda garaadka macmalka ah ee AI oo uu tilmaamay in loo baahan yahay helitaanka sidii loo maamuli lahaa.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aaladdaan ay gaartay in la kala garan waayo xaqiiqada qofka hadlaya iyo kuwa lagu farsameeyay AI maadaama ay aad isugu dhow yihiin sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

“AI waxa ay gaartay heer aadan kala garanayn aniga caadiga ah iyo aartifishil, ilaa heerkaas ayuu soo gaaray, waxa aan ka qaybgalay shir Koofurta Kuuriya ka dhacay oo looga hadlayay sidee ayaa loo maareeyaa mushkiladdeeda? Sideese looga faa’iidaystaa khayrkeeda” Ayuu yiri RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.

Dhanka faa’iidada waxa uu tusaale usoo qaatay in aanay laga maarmayn waa marka la eego dhabbaha wanaagsan, waxaana uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la maamulo si hannaanka togan looga faa’iidaysto sida uu hadalka u dhigay.

“AI waa la’isku waafaqsan yahay in aan laga maarmi karin, uu noqday qeyb ka mid ah nolosha qofka, qoyska, bulshada, iyo dowladda, mar haddii aan laga maarmi karin sidee loo maamulayaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in aaladda garaadka macmalka ah loo adeegsaday muuqaal ahaan, sawir ahaan iyo cod ahaan, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan dad sida wanaagsan u adeegsado aaladdaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here