Arbaco 5, Nov 2025 {CBB} Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene “Boly” ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, La Taliyaha Amniga Qaranka.
Kulanka oo ka qabsoomay Taliska Guud ee AUSSOM ayaa bixiyay fursad ay labada masuul isku waydaarsadaan aragtida ku saabsan xoojinta iskaashiga, sare u qaadista hawlgalllada militari ee wadajirka ah ee socdo kana dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta dadaallada xasilinta, helidda lacag lagu maalgeliyo AUSSOM iyo isku duwista dejinta qorshaysan ee ciidanka Masar ee ku biiraya AUSSOM.
Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta geeddisocodka nabadda iyo amniga ee ay Soomaaliya hoggaaminayso iyo adkaynta wada shaqeynta si loo hirgeliyo waajibaadka AUSSOM.







