Arbaco 5, Nov 2025 {CBB} Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa shaacisay saadaasha kobaca dhaqaalaha dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika ee sanadka 2025, iyadoo Soomaaliya loo rajeeyay koror dhaqaale oo gaaraya 3 boqolkiiba.
Saadaasha IMF ayaa tilmaamaysa in dhaqaalaha Soomaaliya uu si tartiib ah u kobcayo, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhanka amniga iyo sicir-bararka caalamiga ah.
Hay’addu waxay sheegtay in xasilloonida siyaasadeed ee sii kordheysa, hagaajinta maamulka maaliyadda, iyo dib u habeynta nidaamka cashuuraha ay ka mid yihiin sababaha horseeday in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho.
Marka loo eego dalalka kale ee caalamka, Soomaaliya waxay ka sarreysaa wadamo ay ka mid yihiin Qatar, Pakistan, Jordan, Kuwait iyo Iran, halka dhaqaalaha Yemen uu hoos u sii dhacay..
IMF waxay sidoo kale sheegtay in taageerada beesha caalamka, maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ballaarinta adeegyada dijitaalka ah gaar ahaan kuwa bangiyada iyo lacagaha mobilada ay door ka qaateen kororka dhaqaalaha Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa dhowaan laga cafiyey deyntii caalamiga ahayd ee muddada dheer lagu lahaa, taas oo abuurtay fursad ay dowladdu awood ugu yeelato dib u dhiska Hay’addaha Dowliga iyo maalgashiga.
Guud ahaan, saadaasha IMF waxay muujisay in sanadka 2025 uu jiri doono koror dhaqaale oo caalami ah, iyadoo dalal kala duwan ka soo muuqan doonaan horumarkaasi.







