Talaado 11, Nov 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa si rasmi ah uga muuqday Barta TikTok, arrintaasi oo dhalisay hadal heyn bulsho.
Sameynta bar cusub oo uu ku qoran yahay magaca Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dhigan in Villa Somalia doonayso in loo dhawaado halka ay ku badan yihiin dhalinyarrada Soomaaliyeed.
Muuqaalkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu soo dhigo TikTok ayaa waxaa ka falceliyay kumamaan ruux oo u badan dhalinyarro.
Waxaa sidoo kale soo baxay doodo kala duwan oo ku saabsan sida madaxda Soomaaliyeed ay u adeegsanayaan baraha bulshada ee casriga ah.
TikTok wuxuu noqday goob siyaasiyiin badan oo caalami ah ay ku gaaraan malaayiin qof, iyaga oo aan marin warbaahintii hore ee Raadiye iyo Television.
Hoggaamiyeyaasha adduunka qaar ayaa hore u adeegsaday bartaan TikTok si ay u kordhiyaan dadka ay farriintooda gaari karto.
Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa adeegsaday TikTok si uu ugu guulleysto doorashada bishii November ee sannadkii 2024 ka dhacday dalkaasi.
Sidoo kale, Volodymyr Zelenskyy Madaxweynaha Ukraine wuxuu TikTok uga faa’iday in uu muuqaalada gaagaaban dunida ugu soo gudbiyo xaaladda dagaalka, isagoo gaarsiinaya jiilka da’da yar.
Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo biiristiisa TikTok waxay muujineysa sida Dowladd Federaalka diyaar ugu tahay inay la jaanqaaddo isbeddellada dhijitaalka ee caalamka.







